VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Daruuf jacayl mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Faysal muniir
Daruuf jacayl

mar hadii jacaylkii
intuu jidiinka kaa xidhay
uu jabin karkaarihii
sida aar jibaaxoo
cidlo jaar ku noqoteen

socod ruux jarmood
jidsan qaaday waligii
ma jiraa aduunyada
miyuu xadhiga juuqluhu
isu jiidi karayaa
laba meel fog kala jira

mar haduu jiheeyuhu
ka lumo jidkaaga
jaah-wareerna kugu dhaco
xageebaad u jeedaa
kuu jiitay caashaqu
u jaraysay geenyada

adigoon jiboonayn
nafta aan jujuubayn
caashaqaaga jaarka le
u samayso jaal kale
waa jiraa jacaylkee

jarka laaca aragtoo
adigoo jaleecada
ha ku jarin naftaadee
jawi aanad garanayn

mar hadii jidhkaygii
iyo jaaha aragtidu
kaasoo hor jeesteen
kuu juuqii maayoo
xididada jidhkaygiyo
unugyada ma joogtide
kaa jaray naftaydee

codkii Faysal muniir