VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Deeqa - Lyrics

Ma dadmoo ma qarsoomoo Ma tirmoo kama doomo Kama soolo kama daayoo Shaw dareenka jacaylka Ileen daad nama maydho 2x Ruuxna ruuxa uu doortay Ileen ruuxna kuma doorto Midka dookhu uu ku taamay Shaw Xuskiisa ma daayoo 2x Ana Deeqa haweenka Inta ooman da'deeda Kaligeed dagtay dagtay laabta Oo ku daabacan Deeqa maanka Dunidayda dhan weeye 2x Waa daryeela daweeya Waa dugsiiya kal dooja Waa dareemo wax daahan Oon ka doonayo uurka Deeqo waa nacab dayra 2x Dadnimaa uu astaanaa Dulqaad baa lagu kaabay Waa dabiibka xiskayga Nus dambeedka libtayda 2x Ana Deeqa haweenka Inta ooman da'deeda Kaligeed dagtay dagtay laabta Oo ku daabacan Deeqa maanka Dunidayda dhan weeye 2x
Queue is empty
-- / --