Heesta Dhawrsan - Lyrics
dhaayo aragtidooduu
ka dhashaa jacaylkuye
ma adaan kusoo dayay
naftu saw kulama dhicin
dheehashada ilqabadka
anba waad i dhufatee
dhaqaaq joogsigaygii
fariin baa ku dhaabnayd
caashaqa i dhibayaa
dhaawaciisu waa kadis
aduunbaana dhayi kara
haka baqan dhankaygee
dhibanaha jacaylkoow
ma dhabtaan ku saaraa
dhawristaadaa oo qudhaa
igu filan dhamayseey
qalbigaad ku dheertaan
dhamoow kaa fogaanayn
ma dheeliyo kalgacalkee
dadka laba is dhawrtaa
ku dhisaan kalsoonida
inan yahay dhankaaga
ayaan looga soo dhicin
inaan kugula dhaato
dhankaan anigu kaa xigo
marnaba aan looga soo dhicin
mid weeyaan aan si dhaba
qalpiga ugu dhigee garo
Lyrics by Ismacil Ahmed