dhal qurayshiyo asal dhaladoo
dhabaniyo qurux loo dhameeyaa

dhirtoo ubaxiyo maanka bixisaa
iiga dhiganto dhaayaha anfacay

naftan dhooleey aad ku dheertahay
dhayda caashaqa la dhadhamiyo
dhaayahaygaay kaalay dhinaciyo
dhabta igu qabo

dhibic roobiyo dheemaniyo luul
dhooleey adigaa ka dhalaal badan

jacayl dhuuxii dhiiga raacaa
la dheeliyayoo dhaawiciisu
dhayal kuma hadho

Exit mobile version