dadka ha iska weynayn
inaad kali waxgarad tahay
ha iska dhigin waalaalee
2x

ruux waadi fadnaan jiray
marbaa laga wareejaa
kii shalay wacnaabaa
maantaba warwarayee

anigaaba wakhtiga qaar
sida wali siraataa
warka la iga guri jiraaye
wax se wiiqay taladee
weedeeyay raganimo
wax se wiiqay taladee
weedeeyay raganimo

hadba waaga joogaa
ka tihiin walaaloo
waji lacagabay dumar
wacadkaba ku iibshaan
2x

sida webi qulqulay iyo
waadigaa xareedii
shimbiruhu ka waabtaan
2x

weedhaadii inanyahay
waa laga wareerayoo
isla weynidaadana
waxa tahay ma sheegtee

wacdaraha aduunkana
waxa laga wareystaa
ruuxii waxgaradee
adigoon waayo arag noqon
cirka ha isku waabinee
adigoon waayo arag noqon
cirka ha isku waabinee

nafta waa la naysaa
waano kaama maqashee
hadaad maanta wacantahay
ma ku waari doontaa
2x

Exit mobile version