hoheey waan lumoo
hanfar baan ohoo
hirbay laacayee

inaan hay habeen
iyo inaan hibooy
kula hawl yarayn
aankala hubsado

waan haw badnoo
dhaka maalintii
hadaanan ku araga
naftaan hiifayaa

inaan ahay hacoo
iyo inaan sidaa
ku hagaag sanahay
aankala hubsado

markay tahay habeen
waan hanuun sanoo
hiilkaygiyeey halkaad jogtid
uunbaa laygu soo helaa

kama hagar la iye
waxaad ihuwisee
habqaadka iigu wacan
aan kala hubsado

Exit mobile version