Heesta Nasri - Lyrics
niyaddabaa ma aan galin
naruuradaa kalgacalkee
inaan nuugo caashaqaa
adigana nasiibkiyo
nabarkayga dhaayahee
kugu nuursanaayaa
igu kaa nitaaqee
ku noqo ismaan oran
marhadduu neecawiyo
nuuraay jacayl gelii
nasri bila la kawsaday
nolol aan wadaagnee
ii noqo middaan rabay
maxay nacayb dhibaatiyo
haween naawilaadoo
nidarkooda beenta ah
qalbi kuu nuglaadiyo
naxariis kalgacal baa
naxligii aan qabi jiray
naftaydii ka maydhoo
nasteexaan la daris ahay
marhadduu neecawiyo
nuuraay jacayl gelii
nasri bila la kawsaday
nolol aan wadaagnee
ii noqo middaan rabay