Heesta Wacad - Lyrics
anoo aahi kaa ilaashay
naftayda badi kuu hibeeyay
anoo balantii adkeeyay
dumarka badi kaa dawaystay
jacaylku markuu bislaadee
wadnaha boos wayn ku yeeshay
intaad axdigii burburisee
miyaad wacadkii ka baydhay
intaad wiil kale la booday
oo aad bayd kale yagleeshay
saw maan kaligay barooran
adoo boqna badan jacaylka
maxaad ii been abuurtay
ianoo wakhti beeldareeyay
maxaad ii beenawaastay
armuu nabsi baaxad wayn leh
intuu baradaa dhex qaadoo
armay balbashaa naftaadu
armaad ii baahataayoo
awlaada badh kuu dhaqaa
intaad wiil kale la booday
oo aad bayd kale yagleeshay
saw maan kaligay barooran