naf u nool nafaad tahay
nolosheeda qayb tahay
nus kaamila nuskeed tahay
nud ku yaal nudkeed tahay

qof ku naban qofad tahay
nuurka haga xiska aad tahay
nal u daaran aad tahay
neef uu quuto aad tahay

haduu niyad kaabe jiro
aduunyada nafllaha jira
qof u nool qof awgii

waxaan ahay waxaan ahay qof kuu nool

kuu nool kuu nool
waxaan ahay qof kuu nool

naf aad tahay nafteediyo
neecawda ay nuugtiyo
neefsigeeda aad tahay
nafisiya naf aad tahay

ayaanahee naruurooy
waxaad yajay nasteexoy
nayaayirada qalbigu tabo
kaama nuugo abidkay

Exit mobile version