Heesta Dhashiisuu - Lyrics
sidaa dooxa dheeriyo
dalsantii nugaaloo
deegaantu qarisaa
indhahayga deeqdee
caashaqan daraadaa
is dabiibi waayoo
dumar kaa jeclaystee
diinkuba dhashiisu
daymada ku koriyee
dookhaygan kaa helay
adiguna daryeeloo
kalgacaylka kaa helay
sida buurtii daaliyo
shaxda dacal hadeedoo
goobtii dalxiisbaa
daymada ku wacantee
dar ALLEE tanoo kale
ifka lama dul keeninoo