VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta gocasho - Lyrics

Hadii dhab qof kuu jeclaado Intuu dhaxan kuu fadhiisto Halbawlaha dhiiga qaadiyo Dhankaa wadnaha ku seexsho Xiisuhu dhamacduu ku daaray Dhibkuu baday caashaqaagu Barwaaqo adoo dhexjooga Dhagaha ka furaysa maaha Anigoon kibir uga dhaqaaqin Xidhiidhka dhexdeena yiilay Duruufta meel dheer i gaysay Calafka dhigan baa khasaarshay Jacaylkune Muu dhamaanine Calafka dhigan baa habsaanshay Waloow aan guri dhistoo Dhigaa dumar aan aroosay Dharaar qudha kuma hilmaamin Kalsoonidii kaama dhoofin Dhaayahii wali kuu hiloobe Bogaa dheefsada xasuusta Kalgacal aan iga dhamaan Adigu dhayal ha u malayn Anigoon kibir uga dhaqaaqin Xidhiidhka dhexdeena yiilay Duruufta meel dheer igaysay Calafka dhigan baa habsaanshay Jacaylkuna muu dhamaanine Calafka dhigan baa habsaanshay
Queue is empty
-- / --