Hadii dhab qof kuu jeclaado
Intuu dhaxan kuu fadhiisto
Halbawlaha dhiiga qaadiyo
Dhankaa wadnaha ku seexsho
Xiisuhu dhamacduu ku daaray
Dhibkuu baday caashaqaagu
Barwaaqo adoo dhexjooga
Dhagaha ka furaysa maaha
Anigoon kibir uga dhaqaaqin
Xidhiidhka dhexdeena yiilay
Duruufta meel dheer i gaysay
Calafka dhigan baa khasaarshay
Jacaylkune Muu dhamaanine
Calafka dhigan baa habsaanshay

Waloow aan guri dhistoo
Dhigaa dumar aan aroosay
Dharaar qudha kuma hilmaamin
Kalsoonidii kaama dhoofin
Dhaayahii wali kuu hiloobe
Bogaa dheefsada xasuusta
Kalgacal aan iga dhamaan
Adigu dhayal ha u malayn
Anigoon kibir uga dhaqaaqin
Xidhiidhka dhexdeena yiilay
Duruufta meel dheer igaysay
Calafka dhigan baa habsaanshay
Jacaylkuna muu dhamaanine
Calafka dhigan baa habsaanshay

Exit mobile version