Heesta Habalaha - Lyrics
Qalbigu inanyahay ma qeebsamo
qof mooyee labo ma qaadi karee
Adigoo qudha laabta kugu qorayee
Qumanay qoraxdoo kalaa tahay
Quruxda qeebtaada waa haleeshee
Qurayshta ladaawadaa tahayee
Qacdaa ku arkaa qandhoodaa
Qamuuno dibanaha qaniinee
Qiyaas la'i waad iqaadatee
Qudhaan jaro kaama quusan karo
Qudhaan jaro kaama quusan karo
Qalalanjoo aniga kaama quusan karo
Gayaan qiimo iyo qadarin mudan
La dhaafsada qaalmo iyo geelo
Naftaba loo quudha baa tahayee
?? ilaa qanadala tagayooo
Qalaafe iyo qoraxay soo maraye
Qalanjooy ma qardhaad ku noolayd
Qacdaa ku arkaa qandhoodaa
Qamuuno dibanaha qaniinee
Qiyaas la'i waad iqaadatee
Qudhaan jaro kaama quusan karo
Qalalanjoo aniga kaama quusan karo
Qudhaan jaro kaama quusan karo
Qalalanjoo aniga kaama quusan karo