jacaylkii igu sugnaa
sanado badan aan sidaan rabo
samrinoo calafkiisa sugayoo
u xidhay seetada dartaa

muxuu seefiyo gamuun
surmiyo ila helay halgaa
sardhiyo ii diiday jiif

waxaan sugayaa intaa
sadriga ku hayaa anuu
samiyo inaan nolol wadaagnee

intaad sagaleey jacaylka
sidii sabigii u dhowrto
sirtiyo ka ilaali hadimoo

sidii mayay saymo roob
ufiyo saxan saxo qabow
gar iyo sool sanaag ku da'oo
gufaaciyo raysku simay

siraadka cadceediyo
sifihii daa'uuskiyo
la mood sagaliyo daruur

samayskeediyo sifinaha
sintiyo sabarkeedan qoran
ayaa sahwi igu ridee

Exit mobile version