Heesta Ubax - Lyrics
tagtooyo timaadaba
taariikhdu waa dhaxal
tusmo lagu xasuusiyo
tu waliba tilmaan mudan
iyo tab u goyniya
ana tayda wariye
ubax tilmo haldhaale
igu taran jacaylkee
toban sano jirkeenii
igu talaashee
sidii la igu tolay
tahli maayo gacalooy
naftu inay ku tuurtee
tahliil caafimaadoo
aan ku taamayaad tahay
todob iyo sidaad tahay
guga oo tamadayoo
badhi toomihiisio
togii laga xareed wadhay
talantaali ugu da'ay
barbartuna tamashliyo
ku tageen dalxiisoo
farxad la isu tabiyoo
laga helay tanaadbaan
ana kuu tix galiyaa