Ujeedo Marbaan Qastee
Runiyo Oofbaan U Helay
Jacaylka Yartuu Qabsaday
Haddana Aniga Qawoday

Nafataydaay Ma Quusatooy
Qufkii Tagay Bay Rabtaa
Qalbigu Oon Buu Qabaa
Inaan Qariyaan Raboo…
Nabarku Ma Qaboobayee
Anoo Kaliyan Quslaa

Marbay Qayrkaa Tidhaa
Maxay Kaa Qaadayaan
Sidaa Isu Qaadataa ,
Markaasaad Qaloocsantaa!

Naftaydaay Quus Ha Qaadan
Qofkii Tagay Uu Iman
Qalbiga Ruux Kale Ha Siin
Inaad Qarisaad Rabtee…
Go’an Adday Qaado oo
Runtana Qeexoo U sheeg.

Exit mobile version