Heesta Xanaan - Lyrics
inanyahay tin iyo cidhib
RABI taam ka yeeloo
qurux lagu tilmaamaay
waxaad tahay mid igu tolan
qalbigana ku taaloo
ku talaalan waaxyaha
la tisqaad jacaylkoo
yaanu turunturooninee
inuu ciida taabtiyo
dhulka uga tudh waligaa
xanaan ugu tudh waligaa
inanyahay talaabada
tamashlaysa socodkoo
xubno toosanbaad tahay
ha u talaabsan meel kale
ruux kalena ha u tagin
aniga ku tabayee