xaliiniyo taleexoo
intuu xalayto roob helay
saakana xareedii
dusha ka xarfanayso
xidigtii jacaylkaay
xag kastaba ka eegoo
waxaad tahay xir doogloo
xanaan aragtidaadii
laga xiiso goyn waa

sida xawlo farasoo
dusha loo xideeyoo
xaga bidix intuu dayay
ka xigaan gamaan kale

ka habqaaya xaysimo
waxan kugu xurmeeyaa
xarakada naftaadiyo
xubigito hacaylkaan
laga xiiso goynayn

Exit mobile version