Heesta Baalahaaduunyada - Lyrics
baalaha aduunyadabaan u kala baqoolnee
jacaylkeeni barigii baaqi miya inoo hadhay
mise waa iska way iska baaba ay
bihinbaa naftaydiyo boholyowgii waagii
waa igu sii balaadhoo wali waa bartiisii
baahida aan kuu qabo bilawgeedii barashadii
bartii aan ku kulanaan barqo waliba booqda
waan kuu buseeloo naftaa kuu basaastee
bildhaan aragtidaadiyo bash bashiyo barwaaqiyo
bilkhayr baan idhaahdaa
badhtamaha habeenkii markaan soo baraarugo
boga iyo wadnaha iyo beerkaa ku tabayee
hadii aanad bogsiin baylahbaan ku suganahay