dhaxaad igu dhaaranaysoo dhabtayda ku seexanaysay
dhaxanta iga weheshanaysood si dhaba ii jeclayd

haduu xiisihii dhamaaday adaa dhaawaca is yeelay
dhaliisha adaa mutaysta dhibane waa yeelkadiisa

dhaaxaad ii dhaga nuglaydoo ilaa dhaayaha isaartood
dhabanada ii salaaxdo cuntadu kaa dhaadhacayne

dhaayihii ku arkaa xusuusta ku dheelmadee
adaa dhalanteed jacayla dhexdhigay laabtaadae

Exit mobile version