Weligeed aduunyada
Wakhtigaa qof saacida
Midna waayaha xidha,
Labadaase waxaanan ahayn,
Horaa looga waayee
Waa nin iyo waagii,
Aniguna wisiisiga,
Waxaan wiida la hayaa
Igu wacan waxyeelada
Webibeyla sare kacay

Caashaqu wadaad ma leh
Waalaloowna kuma hadho
Waanwaana kala tege
Waxba hay dabiibina
Wadka aan is aragnee.

Webibeyla saratagey,
Wadadiina ka ambaday,
Sidii weel dalooshamay.

Biyo looga webiyaa,
Waanadu i dhaaftaa,
Culimada wanaagsani.

Camo iyo watiiniyo,
Waduxaafiyoo idil
Haday igu wareejaan,
Walbahaarku ima dhibo,

Caashaqu wadaad ma leh
Waalaloowna kuma hadho
Waanwaana kala tege

Waxba hay dabiibina
Wadka aan is aragnee.

Exit mobile version