Heesta Talo - Lyrics
tidcaneey qurxooneey
yartaan timo haldhaaleey
jacayl ku talaalan dhuuxa
igu sii tarmaayeee
aan kuu tilmaame
caashaqan la taahay
lafta tiirkaa dhabarkiyo
halistuu ku tiixay
ruux jacayl i taabtoo
la'aantaa tashan waayay
ifka ka tabayow
talaan kaa sugaa nuuroow
tumistii janaadeey
ayaa taashka kuu sudha
kula tagaa dhulkii hooyo
aroos kuugu tuma naciimay
xidigii tilmaanaa
talantaali hadalkiyo
wadnaheena toosbuu
caashaqa isu tabiyaa
aan kuu tusmeeyee
jacaylkan tisqaaday
qalbiguu i taabtoo
xiska kama tirmaayee
naftu tay tabaysee
jacaylku taraaari maayee
tabtii dhaqankii awoowiyo
seegi maayo taladii
todobo sano iyo dheeraad
adaan kugu taamayoo
tu ka le tiigsan maayo oo
adna taa ii ogow
xusnow daraadaa
anba waan ku tabayoo
caashaqan tix galiyo
cidlo ha iiga taginee
taahiyo xanuunbaan
tamar beelay awgaa
siday aniga ila tahay
cishqibaa ila tagayoo