jacayl nimuu kugu toloo ku taagsadaybaan ehee
taageero ma kaa helaa
adigoon iba tooyan wali waadigan isku kay tolee
ayaad horta ii taqaan
tilmaan qurux tima haldhaa tiriig u eg taan calmaday
hablaha tidcan guudka sare adaan kugu taamayaa
miyaan kaa tagi karaa
warkaagani tuuryada tibaaxda ma gaadhayoo
toocsaan kaa moodayee
naftayda waxay la tahay kolaan talo kula noqdee
bil iyo todobaad i dhawr
nin wayni si uu ku tago sarbeebaa lagu tusaa
hadalka waad igu tidhee odhaal gacal maad i siin

Exit mobile version