VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Iga dhici jacaylka - Lyrics

ma ogtahay dhamayseey ilaa dhalashadaadii adaan kaa dhursugayoo aan ku dhawranaayee waxa inan dhaglee wacan dhulka kugula noolee dhaayo iyo quruxba le kaa dhawranaaye adna igu dhaliishoo dhayal mooday caashaqa aan dhibaatadiisii dhabanada la haystee inta aanan kuu dhiman igu dhaado maantoo iga dhici jacaylbaa dhaqankayga lumiyee ma ogtahay dhamayseey dhagar qabe jacaylbaa dhuuxa iyo lafaha iyo kuwa dhiiga qaadiyo xididada dhamaantood dhankastaba u raacoo wadnahana dhinbiiliyo dhuxul daba ku aasee
Queue is empty
-- / --