VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Loolii - Lyrics

Looli egan ahaydoo Laba goor tuskii helay x2 Dhulkoo liqay xareeddii Rayskuna labeen yahayeey x2 Oo laama ubaxiyoo Isku laray caleentii Leeg leeganaayaaan x2 Saxan saxa lulaysiyo Sida laydha udugga leh Laab qaboojiyaa x2 Maxaa kaa lilaahiya Caashaqa ha laalinee x2 Sidii aan u laabkacay Ladi waayay jiifkoo x2 Sidaan u laba lagdoodaa Laaca waaga ka toosayee x2 Lab xadaydaa beerkiyoo Qalbigaad ka lulataa Laxawgeedaa sii koror x2 Leebkan halista iga muday Inaan liito aragtayee Intaan loxodka la idhigin x2 Maxaa kaa lilaahiya Caashaqa ha laalinee x2
Queue is empty
-- / --