VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Tiiraanyo - Lyrics

Tiiraanyo cudur iyo Nimay towsi haysaa Ileen taah madaayee x2 Waxan tabanayaa Baan wali tiigsadayo Soo taabi waayee x2 I taageer Allahayow Arrintaydan kala taal Adaa toosin karayee x2 Turuqiyo Lixaad iyo Tamaray xoogeey Jacayl iga tan roon baa igu tiirshay Geedoow Xarig igu tig tigayoo Waa anigan tasoobee x2 I taageer Allahayow Arrintaydan kala taal Adaa toosin karayee x2 Tabaallada adduunkee Nin kastaba u taalaa Anigay i turuqdoo Tagoogaha i jabisoo Ka tallaabsan waayee Waan tiicayaayee x2 I taageer Allahayow Arrintaydan kala taal Adaa toosin karayee x2 Taariikhda Dunidaa Iyadoo isdaba taal Nin-ba meel ku turtee x2 Aniguna Tusmeestoo Qayrkay halkuu tagay Utabaabusheestee x2 I taageer Allahayow Arrintaydan kala taal Adaa toosin karayee x2
Queue is empty
-- / --