sidii udub la aslaybaad
asaagaa habalaha aduunbaa
indhuhu kaa qabanayaanoo
rabaa isu kaa dhameeyee

adoo kale lama arkaayee
adoon igu sii adkaynin
ALAAN kugu aamine

astaanta jacaylku leeyahay
aqoon daro kaama haysee
ilwaadeey ula kac weeyaan
i taabsii inaad tidhaayee

adoo abataqa i gaynin
maruun arxamoo naftaydan
u oyday sidii abaydin
ilmada uga bii indhaha

Exit mobile version