Heesta Agoonta - Lyrics
ifka taan ahiyo
arimada aan qabo
allaa ii ogoo
waxaan ahay agoon
ubadkaba badhbaa
indha doogsasadoo
aroortii kastaba
waalidkood arkkoo
ku aflaxay nasiib
iyagana raboow
naxariis ku eeg
ana ii gargaar
allahayoow u gargaar
agoonta u gargaar
waa ayaamo tani
laysku eegayoo
ruuxba aayihii
wuu u aayayaa
eebe wayne iyo
umadiyo dhulkaan
magantood ahoo
aayatiinka nolol
ogobeey dugsaday
iyagana raboow
naxariis ku eeg
ana ii gargaar
allahayoow u gagaar
agoobta u gargaar
afeeftayda hadal
eraygaan idhiyo
araartaan guntaa
ula jeedo sidaa
qof abaal galoow
kaama awdmayoo
asxaantaad gashaa
ajar kuu ahoo
aakhiro ku sugi
iyagana raboow
naxariis ku eeg
ana ii gargaar
allahayow gargaar
agoonta u gargaar