anigu sidan kuu jecliyoo
hadii jamashada dartaa
cishqigan igu kaa jirabay
jeeroo wehelkaygiiyeey
nasteexo wada jirnee

sidaad ii jilaabantahad
wadnaha ugu jeebantoo
marnaba kama jiibsan karo
jaahaaga markaan arkiyo
jamaal quruxdaada oo
jaeecadu waa ii dawee

qalbiga sidaad ugu jirtiyo
jidhkayga halkaad ku taal
miyaan kaa jari karaa
jeex iga midabay tahee

anigu sidaan kuu jecliyo
hadii jixinjixo dartaa
cishqigan ila kaa jid maray
naftayda u diiday joog
jagiyo jaabaday dagtee

sidaan kuugu jeel qabad
xiskayga u jiidatoo
marnaba kama jiibsan karo
jiridaad igu beertay iyo
jidhiidhacadaada oo
jeedaaladu waa ii dawee

Exit mobile version