cashar buug ku yaaliyo
cimigoo la dhuuxaa
lagu cii baxaa

caqligaba ILAAHBAA
aadmiga u kala cugay

waa cudu qarsoonoo
cidi aanay jabin karin

ciro iyo xishood ma le
cimrigaaga noloshu
kaa caawiyaayoo

carfi weeyi dunidiyo
caalamkuba ku horumaray

casri weeyi maantana
jaahilnimadu ceel tahay
siday culimo warisay

cufka iyo daruuraha
cirka sare dadbaa tagay

Exit mobile version