dawooy waan ku doonaya
dareenkii caashaqbaa i daaree

dumarka dhamaantood
adaan kaa doortoo
duntaada xariiree
daymo qurux

ala hobeey hobaaligayeey sidirigam
laba daryaale lagu galinee sidirigam
darisiyo xigaal imaneey sidirigam
daamaashaad lagu tumiyeey sidirigam
dayr cad geel lagaa bixineey sidirigam
hooy hooy hooy hoobeey

deganaansho dhaqankiyo
diintiyo asluubtaan
daganeey adiga kugu doortayee

ala hobeey hobaaligayeey sidirigam
waankuu dabaal dagiyeey sidirigam
soomaalida dunteediiyeey sidirigam
indhaha ku doogsadee sidirigam

Exit mobile version