Heesta Dhulka somaliland - Lyrics
dhulka soomaaliland
naftii hure dhiiranaa
ma dhuumade soo halgamay
intu dhamacda uga shiday
wuxuu ugu soo dhintee
dhiigiyo xinjirta ugu qabay
inay dhismahooga qaran
calanka ay ugu dhidbaan
aduunka u dhaxal galoo
ahaa midaan ka dhicin
ninkii iska dhaga tiree
hadhawto dhayalsadaw
waxa dhaar laguugu maray
inaay dhagartaada noqon
dhulka soomaaliland
walaalaha wada dhashee
ku nool afartiisa dhinac
iyo dhoofku waa ugu maqal
dhugoo waa wada islaam
hidiyo dhaqankood midoo
wanaagyaa dhexdooda yaal
sida dhaayaha indhaha
u dhawrta wada jirkood
dhibiyo ka badbaadsha hawl