VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Garnaqsi - Lyrics

Annaa qaba galgalashada Adna waad ka gama'daa Kol hadaanan goornaba Godob anigu kaa gelin .......(2x)........ Gacaltooyadaan qabo Keenaynin gocoshoo Gartaba kaaga helayaa ........(2x)....... Talo waa mar garan waa Iyo mar aanad gaadheyn Waanay kula gudboontahee ........(2x)....... 2. Caashaqu garbaha iyo Guudka kaama rarranoo Geliyadan habeenkii Waagu kuuma galac odhan .........(2x)....... Annaa guurey toban jeer adna geeddi maad arag Haddaad gurato hoobaan Gacalkaa ka madhanyahay .........(2x)....... Wax inaad u goysana Kuu diiday garashadu aanad gudin abaal qudha .........(2x)....... Ku gohaadin maayee Wuxuu guulaheen qoray Geddadaydaan ku sugayaa ..........(2x)...... Lyrics by Dayur Omar Hagi
Queue is empty
-- / --