Heesta Geenyo - Lyrics
faalo iyo heesiyo
hadii uu farshaxan jiro
ama qurux la faaqido e
fal lagama gaadhoo
facii kaa horeeyiyo
filkaa waad u sidataa
geenyo baarka fidhato
fardo laga xushaad tahee
aigana fudaydiyo
iska faani maahee
ha fudaydsan caashaqa
ubax baalka fidiyiyo
fad galbeed sidaasa
indhuhu kugu farxaane
falaadhaah kalgacalka
siday kuugu fidayaan
ana iigu fogaadoo
foolaadka quruxdiyo
fariigaagu yaab lahee