idhahaygaa aragtidaada
aad bay ugu farxaayaanee
adigoo kale aadmigan
kumaan arageey
ubax arag kabaxay
xididasiisu qalbiga
kasoo baxay ayaa tahee
axdi meel ma dhiganaa
macaan ma is aroosna

hablaheena kolkaan eego
adaa ugu ilwaad quruxeey
afkaygu amaantaada
u fududaayeey
in kastooy aduunyadu
ay tahay ayaan qudha
adaan kaa ishaartee
axdi meel ma dhiganaa
macaan ma is aroosnaa

Exit mobile version