maxaan kaa dhursugayoo
inaan dhaayaha ku saaron
ku dheehdo doonay
maxaan kuu dhabar adaygoon
habeenimo kugu dhadhabayoo
dhuuntiyo laabta
kaa dhex baadhay
hadaad dhinacayga jogto
jacaylka la dhuuman maayee
wadnaha aan kugu dhaweeyee
dhulkii kuu quudhi maayee
cirkana kuma dhigi karayee
ayaa kaa dhiga quwaax
intaan caashaqa dhitaystoon
dhabta aan kugu hayee

maxaan kuu dhabarayoon
dartaa dhuuniga u diidayo
dhul yaalay awgaa
maxaan dhalandhool yahoomoo
dharaar iyo laba baqoolan
dhantaalaan jacayl
aan la dhuubtay
hadad dhinacayga joogto
jacaylka la dhuuman maayee
wadnaha aan kugu dhaweeyee
dhulkii kuu quudhi maayee
cirkana kuma dhigi karaayee
ayaa kaa dhiga quwaax
intaan caashaqa dhitaystoon
dhabtaa aan kugu hayee

Exit mobile version