VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qiimiyo haween - Lyrics

Hadii qiimiyo haween Quruxda lagu dooran jiray Adigaa ugu qaayo wayn Dhismaha qotonkee jidhkiyo Dhexdiyo labadaada qaar Sankaa qoran iyo indhaha Cabaadhyaha qoorta sudhan Anigu qarnigan ma arag Horona loogama qisoone Sidii qorax soo baxdaad Qayrkaa uga muuqataa Aadbaan ugu qanacsanee Miyaynu qaybsami karnaaye Mankiyo ubaxii qarxee Dhirtiyo laamaha qabsada Indhuhu soo qaban ogaa Siduu QAADIR kuu unkiyo Dabeecada qaaliga ah Ayaa qalbigii godloo Asluubtaa qaadatee Intii sharaf kuu qarsoon Naftaa ku qabawsatee
Queue is empty
-- / --