VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sarbeeb - Lyrics

hadal waa sarbeebiyo haw saafin waayee sargankiyo biciidkuna sandaag loogu joogaa sugunkiyon tigaadaa geelu sidig ku yeeshaa sareedada aduunkana sahal lagu tilmaamiyo marosaamigeedii raguu kala sareeyaa ana suuradeediyo kama hadhin sabaaxadan saruurad ku hoyn lahaa sukura iyo cirjiidha sancadaan u eegaa sacabkiyo ciyaartaa sareyn lay tumadaa salaantiyo bariidda gacal waysku sooraa sagalkiyo daruuraha sarmaweydo ciratiyo wuxu sabuulu daayana nimuu seejig weydee
Queue is empty
-- / --