Heesta Saxarla - Lyrics
sida sabi dhalaanoo
sasab hooya waayaan
salalaa habeenkii
sooniyo abaar baa
sanqadhii i dhaaftaba
saxarlaay ka leeyee
sanku neefle adigay
naftu kaala socotaa
sahal yaanu kula noqon jacaylku
sibiq yaanu kula noqon
sida sagal arooryiyo
seerma wayda curataan
kuu sahamiyaa wali anigu
jacaylkaa i saafoo
seefta ila gaadhoo
sanduleeyay maankee
sanku neefle adigay
naftu kaala socotaa
sahal yaanu kula noqon jacaylku
sibiq yaanay kula noqon