VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Baxnaano - Lyrics

baahida kalgacalkiyo basanbaaska aan kuu qabo adigaa igu beeroo baal maray jacaylkee wadnahayga bidixiyo beerkaa ku tabayee baxnaanadii naftaydaay boholyowga caashaqaa igu sii balaadhoo baabiiyay badankee boogihii jacaylkiyo nabaradii bislaadee kuu busaylay adigoo bogsan waayay awgaa halbawlaha badhkiisiyo beerkaa ku tabayee baxnaanadii naftaydaay boholyowga caashaqa igu sii balaadhoo baabiiyay badankee
Queue is empty
-- / --