Heesta Boosaaso - Lyrics
baxsaneey barwaaqiyo
balad lagu nagaadiyo
booqashiyo dalxiisiyo
barashada ku wacaneey
baasaha aduunkiyo
burburkiyo colaaduhuna
barbar kaama taabtaan
BOQORkaad u tahay magan
boosaaso deeqaay
salaan baaxad waynbaan
buuraha hirkoodiyo
barigaaga uduga leh
soo mariyay badahee
boosaasooy ma nabadbaa
soo mariyay badahee
bulshayahay ma nabadbaa
baxsaneey barwaaqiyo
waxaad badi dalkeeniyo
dunidaba badh dheertahay
businesskaad ku caan tahay
bari ruuxii joogaa
habeen kama baryaayoo
bil haduu ka maqanyay
boholyow ma seexdee