muqdisha xeeb wanaageey
xaruntii dalkaygaay
xaqdi iyo xumaaniyo
xanaf aan lahaynee
samo llagu xeroodaay
xoogii dalkaygaay
midnimada u xarbidaay
xidig nuurka fidisaay
dayax xuub dilaacshaay
xays iyo dhul dooglaay
xariir lagu gam,aayoo
laga xiiso dhicineey
xus weeyu heestye
xamar xeelad dheereey
afrikaad xorysee
abidkaa xaawaaree

xamar xeeb wanaageey
xaruntii dalkaygaay
xaquu qaraku leeyahay
halkii lagu xurmeeyee
xajinaysay calankaay
xeerinaysay dhaqankaay
xuduntii midnimadaay
habla xuural cayneey
ka xiijaabtay xumihii
hoygii lagu xanaanshaay
xayn daabkii nabadaay
xisku uu ku dagayaay
xus weeyu heestye
xamar xeelad dheereey
afrikaad xorysee
abidkaa xaawaaree

Exit mobile version