VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Shugri - Lyrics

Dayaxoo Shinkii Galay Ama Shaaca Waaberi Shugriyeey Aduun Baa Shabahaaya Midabkee Shan Jeer Bad Ka Roontahay Shabadyahay Asaagaa Midii Shiikhu Dhalayee Sharaf Lagu Barbaarshaay Sharka Dunida Dhacayiyo Shaydaan Ku Kuma Helo Sheekadii Dhexdeenan Sheedaa Ka Dhawroo Ka Ogoow Shidiyo Halis Iyo Shuushka Caashaqa Inagoo Shuraako Ah Shaxda Waynu Gaadhiye Hala Shawrin Nacabkee Shirqoolada Ka Dheeroow Sidii Geenyo Shaaximan Shaalagu Hagoogyeey Jacaylkaa Ishidayoo Geyaan tan ka sheegtay Shib Waxaan Ahaadoo Aan Ka Shiixo Aadmiga Hadan Sheegayaayoo Shirka Kaga Dhawaaqee Shinkaa Adiga Mooyee Lama Showro Ruux Kale Waana Shaama Reeroo Shugri Day Madaadaa Nafta Show Dabiib Iyo U Ah Shifiyo Naalee Inagoo Shuraako Ah Shaxda Waynu Gaadhiye Hala Shawrin Nacabkee Shirqoolada Ka Dheero
Queue is empty
-- / --