Heesta Dheeman - Lyrics
dheemaneey aduunyada
dharaartaynu kulanaan
dhuunigii la quutiyo
dheeftii ka soomay
dhamaan waaxyahaygana
adigaa dhex dagayoo
dhuuxiyo lafaha iyo
inta dhiiga qaadiyo
wadnahaad dhex taalaa
qurux loo dhameeyaay
rabi kuma dhantaaline
dhugashadaad uroontee
miyaan ku dhaafi karayaa
dheemaneey ogsoonow
sida dhalaanka hooyadu
dhibta uga ilaalisan
ana ku dhawrtaa
waa dhaxdin aduunyadu
laga dheelmanaayee
haday taadu dhamaato
oo xabaasha lagu dhigo
i dhinac dhigaan oran
by masuul.com