VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Adaa dagay cod kaliya - Lyrics

dulqaad ixtiraam le
danayn is xilqaam le
ducaysan adaa leh
dabeecad wanaagsan le
dadkana adiga u hormooda

dabuub hadalkaaga
inaan ku dawoobo
ma diidi karaayo
daymada aragaaga
inaan ku dagaayo
xiskaan dafiraynin

daryeele bogiisa
dadaal la midayni
damiir is fahmaaya
ayaa is dareensan
dadkana iska doortay

dareenka jacaylka ku duugan
macaan kasheena mid daacada weeyi
dubkaa qarin weeyay dushana ka muuqda weeyi

adaa dagay maanka
wadnaha dacalkiisa
darmaha kuu taala
dibnaha qosolkooda
waxay ii tahay dawoo
sababta ka danbaysa

Queue is empty
-- / --