Midab nuur ifoo
Maariin ahooo
Indhihii qabtaa
Ashqaraar dartii
Ama kaagayaan
Soo adu malihid
X2

Qosol aragtidiyo
Eegmada uroon
Oon ruux arlada
Ifka la iman karin
Aanu jirin aduun
Sow adu malihid
X2

Adigaa iska leh
Qurux iyo ilwaad
Lagu daray asluub
Adigaa iska leh
Karti iyo aqooon
Lagu daray iiman
Adigaa iska leh
Intaa iyo ka badan
Kuu ogahay adiga
Iskaleh x2

Ixtiraam dadnimo
Ku astaysan tahoo
La'amaanayoo aad-
Migu qireen ku xeel
Gobanimo sow adi
Malihid  x2

Odhaah dooranoo
Afwanaag iyo samo
Ku abtirsaday soo
Abaabuloo loo is
Taagi karo sow adi
Malihid x2

Adigaa iska leh
Qurux iyo ilwaad
Lagu daray asluub
Adigaa iska leh
Karti iyo aqooon
Lagu daray iiman
Adigaa iska leh
Intaa iyo ka badan
Kuu ogahay adiga
Iskaleh x2

Exit mobile version