asal dhaladeey abaayo
adaa heer wacan
amaan mudan
istaahil ubax udgoon badan
aynigaana haween ilwad wacaney
ilays iyo nuur ifaayaay
ildoogsiga dhaayahaygay
abuurtuu illaah asteeyay
anaa ku ogole ogsoonoow
jacaylka irmaan idlayso
ku oon bax agtiisa jogso
ka dhawr iintoo ilaasho

ilwaad quruxey inaabti
qalbiga kuu nugul ilaasho
amaan badaney inaabti
nin ku idmani aqoonso
asluub badaney inabto
iniinta jacay abqalo
ayaan badaney inaabti
odhaahda qurxoon uruurso
jacaylka irmaan idlayso
ku oonbax agtiisa joogso
ka dhawr iintoo ilaashoo

Exit mobile version