asmaay quruxdiyo asluubta
anshaxa edabtiyo xidhodka
ilwaadka samaanta udgoonka
admigu la yaab akhlaaqdeeda
isirka ehelkiyo xigaalka
esina adigaa xurmeeyoo
aragto garashiyo xeel
aynigaaba han dheer asaaga
arooskiinii weeyee aqal gal
ehel iyo xigaalkuba mushxarad
farxad iyo alalaas oogsade
is ilaashadoo wada jira

aaayaha nolosha intifaaca
awllaad ubad xalaala kala hela
astaanta jacaylka quruxloow
isu dhiiba laba laba u shira
amaan hooyo leedahay
af ku koobi maayee
aamina bilan hooyadii
ku ababisaybaa amaan mudanee
arooskiinii weeye aqal gal
ehelkiyo xigaalkuba mushxarad
farxad iyo alalaas oogsade
is ilaashoo wada jira

Exit mobile version