sida dhebiga dhool qoton taagan
dhexyar muuqa dhaayaha deeqda
dhisa maanka ruux dhakhtareeya
sow ma tihid dhabeel ige dhegan
2x
nolol dhaxal abuur xila dhaaba
ka fikira dhankayga i dhawra
wixii dhaca xalkeeda dhameeya
sow ma tihid ragoo dhan i dhaafsha
x2

iga dhaya dhibteyda dareema
igu dhaqa wanaag ila dhaaba
ima dhiba jacayl i dhan siiya
i dhiiriya waxaad tahay dheeman
x2
naf ku dheer naftaw dhimanysa
ku dhexnool wadnaha dhaqdhaqaaqa
ka dhargayn kalgacal la dhidbaysa
sow ma tihid dhamays i dhisaysa
x2

dhadhan nolosha ruux u dhabeeya
igu dhaarta xume iiga dhaarta
qalbi dhaya naftayda dhayaysa
sow ma tihid qudha dhadhab iile
x2

iga dhaya dhibteyda dareema
igu dhaqa wanaag ila dhaaba
ima dhiba jacayl i dhan siiya
i dhiiriya waxaad tahay dheeman
x3

Exit mobile version