qoraxdoo aroortii
qaybisay falaadhaha
ama qaanso roobaad
daruur mida ku qarisay

qiimaheeedii leedee
qofna lama amaanoo
qaladlooma heeseeso
qurashtii haweenka

naftaan qancisaybaa
kuuqushuucdayoo
wanaag kuu qiraysee
qabriga horti qaradey
qarin aad uqaboowiyo
qaadirkay haku geeyo

onkod roobku madaayo
ana taaha madaayo
ana taa ma ilaawo

jacl ood rogan maayo
oon hilac bi'in maayo
ayro weero madaayo
ileen aamusi maayo
ergo geesi m diido

ilaah tiisu ma oosho
calaf laskama oodo
ubax dar ma qarsoomo
godka laskuma aayo

ifka lasku tudhaaye
iilaka lasma gargaaro
aboor laskama baajo
nabsi hayga amaahan
axdigeena dhexdeeniy
ha iloowin aqoontee

heleelooy heleelooy
waryaahee waryaahee
hiraan iidhawayn
mahakabsa see

mankiyo madaxaa
ikala maqanoo
waryaahee waryaahee

idina waad igu maadsanaysaane
heleelooy heleelooy

Exit mobile version